Dhegayso…Agaasimihii Hay'ada nabadsugida oo xilka Baneeyay

0
56

Nabad-sugid-1Agaasamihii hey’adda nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu shaqadii iska casilay ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkan Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Fiqi waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu ka aqbalay dalabkiisa ahaa istiqaaladii uu gudbiyay.
“Madaxweynaha ayaan ugudbiyay istiqaaladeyda waana la iga aqbalay” ayuu yiri Fiqi wuxuuna ku dheeraaday waxqabadka Hay’ada isagoo yiri “Waxyabaaha aan wax badan ka qabtay mudadii aan xilka hayey waxaa ka mid ah shirqoolada joogtada ahaa ee Al-shabaab ka geysan jireen magaalooyinka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dilalka qorsheysan, miinooyinka la gelin jiray wadooyinka qaar iyo weerarada ay ka geysan jireen xaafadaha qaarkood iyo saldhigyada” waxa uuna tacsi u diray qoysaska ciidamada iyo saraakiishii ay wada shaqeyn jireen ee geeriyooday intii uu xilka hayey waxa uuna si gaar ah u tilmaamay inuu ku laaban doono howlihiisii safiirnimada.
Taliyihii nabad sugida Axmed Macalin Fiqi ayaa xilkan loo magacaabay 24-kii bishii 5aad ee sanadkii 2011-ka isagoo xilka hayey muddo 22 bilood ah, waxaana iscasilaadan ay ay ka hor dhaceysaa xili la hadal hayey in saraakiil ka tirsan laamaha amaanka dowlada oo isagu uu ku jiro ay ku soo wajahan tahay xil ka qaads lagu sameynayo.
Taliska Nabad sugida ayaa ah kuwa ugu awooda badan marka loo fiiriyo gudaha magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo kamid ah gobollada dalka.
Waxaa la sugayaa in lasoo magacaabo taliyihii badali lahaa Axmed Macalin Fiqi Gudoomiyaha iscasilay ee hay’ada nabad sugida.
Si kasta oo ay arimuhu yihiinba waxaa aad loo rumaysan yahay in Iscazilaadani ay qayb ka tahay isbadalada ku socda Saraakiisha sar sare ee dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan Taliye iyo Amaanduule cusub u magacaabay Milatariga, waxaana dowladda ay si cad u sheegtay in uu soconayo isbadalka.

Halka ka Dhegayso

iscazilaad