Gabar weriye aheyd oo ka howlgeli jirtay mid ka mid ah idaacadaha maxalliga ah ayaa saacado ka hor lagu dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Rag ku hubaysan bastoolado ayaa dilay Rahma Cabdiqaadir, oo u shaqeyn jirtay raadiyaha sida gaarka ah loo leeyahay ee raadiyo Caabudwaaq ee xaruntiisa tahay gobolka Galgaduud.
Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka.
Rahma waxay noqoneysaa weriyihii saddexaad ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo billowgii sanadkan 2013.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay weriyeyaashu ka howlgalaan.
Daafeet.Com