Ciidamo ku labisan dharka dowlada oo mar kale ku dagaalamey magalada Marka

0
41

markaCiidamo ka wada tirsan dowlada ayaa saaka mar kale ku dagaalamey Magalaada Marka ee gobolka shabeelaha hoose daagaalkaas oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey laba askari saddex kalena way ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa billowday markii la weeraray guriga uu degmadaas ka deggen yahay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacado ku dhow.

Guddoomiyaha degmada Marko Axmed Macallin C/raxmaan Cukaash ayaa dowladda ka dalbaday inay isbedel ku sameyso maamulka gobolka iyo kan degmada, isagoo dagaalka ku sheegay inuu yahay mid awood-bursi ah.

Xaalada degmada Marko ayaa saakay deggen inkastoo ciidamadii dagaalku dhexmaray ay weli ku sugan yihiin gudaha degmada, waxaana dagaalkan uu daba socday dagaal dhawaan ka dhacay degmadaas.

Daafeet.Com