Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka furmay caasimadda dalka Qatar ee Doha.
Amiirka Qatar, Hamad bin Khalif Al Thani ayaa si rasmi ah u furay shirka oo socon doona labo maalmood.
Mucaaradka madaxweyne Bashar al-Assad ayaa ka qeyb-galaya shirka, iyagoo markii ugu horreysay matalaya masiirka ummadda Syria, kuna fadhiya kursiga dalkaas.
Dagaalka ka socda Syria iyo wada-hadallada u socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taliban ayaa ugu sarreyn doona ajandayaasha shir madaxeedka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb-galeysa shirka, waxaana lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladaha ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Daafeet.Com