Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amababaxay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii uu baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa degmadaas.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay ayadoo aroornimadii hore ee saaka la jaray dhammaan isgaarsiinta degmadaas, laguna soo rogay bandow magaalada oo dhan.
Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo saraakiisha AMISOM, iyadoo sidoo kale ay joogaan magaaladaas wariyeyaal kala duwna si ay u tabiyaan wararka ku saabsan socdaalka ra’iisul wasaaraha.
Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa salka ku haya sidii lagu dhameyn lahaa khilaafaadka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Raas-kambooni oo ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulammo la qaato mas’uuliyiinta maamulka gobolka markii uu halkaas tago, isagoo sidoo kale goobjoog ka noqon doona furitaanka shirka maamul u sameynta Jubbooyinka.
Daafeet.Com