Wasiirka wasaarrada Kheyaaradka dalka C/risaaq Cumar Maxamed iyo wafdi uu horkacayo oo ka socday wasaarrada caafimaadka ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Wafdiga wasiirrka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM.
Wasiirrka oo uu socdaalkiisa ku wehliyay Ducaalle Aadan Max’ed oo ah agaasime waxeed ka tirsan wasaarrada caafimaadka dhaqaatiir ayaa ujeedada socdaalkiisa aheyd kormeerka dadka la ildarran cudurka shuba-biyoodka ee lagu daweynayo dulleedka magaalada Baladweyne.
Waxaa ay mid mid u eegeen wasiirrka iyo xubnihii socodaalkiisa ku wehlinayay dadka uu soo ritay cudurka ee jiifa xarumaha sida ku-meel-gaarkaa ah looga dhisay dulleedka magaalada Baladweyne, isaga oo halkaa warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo shaqaallaha caafimaadka gacanta ku haya bukaanka.
Wasiirrka ayaa sheegay in guud ahaan dowladda federaalka Soomaaliya siweyn uga warqabto xaalada caafimaadka ee dadka la ildarran cudurka, isaga oo intaa ku darray in gurmadka dowladda ay u sameyneyso dadka uusan inta ku ekaan doonin.
Daafeet.Com