Yaa Ku Dagaalamaya Marka?

1
282

markaaAfku xooglaha(Itaal laawe) wuxuu inta badan maciinsadaa dacaayado rakhiis ah oo xaqqa uu ku qarinaayo. Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada MARKA waxaa ku fadeexoobay warbaahinta la dhageysto iyo kuwa baraha Internetka laga akhristo. Warbaahinta waxay iskugu jiraan kuwoo beel ahaan u taageeraayo mooryaanta cadowga ee duulaanka qaawan ku soo qaaday maamulkaa degmada MARKA iyo warbaahin kale oo macluumaadkooda ka xigto warbaahinta cadowga u sameystay inuu ummadda ku dhibaateeyo isla markaasna halkaas ku habaabay. Waxay sheegeen in dagaalkii maanta uu u dhexeeyey Ciidanka dowladda iyo Ciidan beel (BIYAMAAL) ahaan u abaabulan oo aan dowladda ka tirsaneyn.

Dagaal uu ka dhex-qarxay Ciidamada maamulka magaalada Marka iyo maleeshiyo beeleed reer Galgaduud ah oo ay soo abaabuleen Yusuf indhacade iyo C/qaasim Salaad . ayaa ah in Ciidamada degmada MARKA ay dowladda somalia u diiwaan geshan yihiin isla markaasna deegaanka ay ku dhasheen ay ka howl galayaan, halka kuwa kale ee maanta MARKA CADEY soo weeraray ay ka yimaadeen Galgaduud, ujeedada ay ciidanka dowladda ugu biireen ayaa ah inay sii wadaan boobka iyo dhibaateynta joogtada ah ee ay kula kacaan mar walbo dadka deegaanka. Maxaa loogu diri waayey Liibaan Madaxey iyo Mooryaantiisa gobolada dhexe ee beesha ay ka dhasheen ee Habargidir ay degto? Waa su’aal ilaa hadda madaxda dowladda ay ka jawaabi karin.

Yuu u dhexeeyey Dagaalkii Maanta ee ka dhacay magaalada MARKA?
Magaalada MARKA maanta waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyey wiilal Xaq-u-dirir ah iyo Mooryaan ku labisan dareeska ciidamada dowladda Somalia oo si toos ah uga amar qaato Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo qof walbo oo Somali ah ogsoon yahay dhibaatada ay gaarsiiyeen ummadda soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Sh/hoose.

Dagaalka MARKA ka dhacay xaqiiqo ahaan wuxuu u dhexeeyey mooryaan soo duushay iyo wiilal deegaanka ah oo ku abtirsado geesiyaashii gumeystaha Talyaaniga cashar lama ilaabaanka u dhigay waa kuwee geesiyaashaasi? waa : Sheekh Cabdi Abiikar Gaafle iyo Macallin Kabtoole.

Waa kumaa Liibaan Madaxey? Ma mudan yahay in Taliye Ciidan ka noqdo Sh/hoose?
Liibaan Madaxweyne wuxuu ka soo jeedaa gobolka Galgaduud beel ahaan wuxuu ka dhashay beesha(Habargidir) ee deegaankeeda yahay gobolada dhexe ee somalia(Galgaduud iyo Mudug). Liibaan wuxuu ka tirsanaa maleeshiyaadkii hogaamiye kooxeedkii dhiig cabka ahaa Yusuf Indhacade. Liibaan wuxuu ka tirsanaa mooryaantii dadka deegaanada shabeelaha hoose ay ku xasuustaan gumaadka waagii maleeshiyada Yusufu Indhacade ay xoog ku haysteen gobolka Shabeelaha hoose.

Liibaan Madaxey, Axmed Mudan iyo kooxo badan oo isla beesha Habargidir ka soo jeedo waxay iskooda u qaybsadeen jagooyinka muhiimka ee gobolka shabeelaha hoose, cid u magaabatay ma jirto jagooyinka ay hayaan, idaacada SHABELLE ayaa MINBAR u ah oo ay ka hadlaan isla markaasna jagooyinka u qaybiso.

Liibaan Madaxey maanta wuxuu hogaaminayey dagaalka mooryaanta Habargidir ay ku soo qaadeen degmada MARKA ee caasimada gobolka Sh/hoose. Liibaan wuxuu ku sugnaa markii ay nagu war dambeysay XAALAD QIIR-QIIR ah(Critical State), wuxuu la il-darnaa dhaawac halis ah kadib markii ay rasaas la beegsadeen wiilasha Xaq-u-dirirka ee reer MARKA CADEY. Liibaan xabadda waxay ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa sida Caloosha iyo meelo kale, waxaan Allah ka rajeyheenaa inuu dhibkiisa ummadda reer MARKO ka hor wareejiyo

Dowladda Somalia iyo Gobolka Shabeelaha Hoose!!
Haddii aad u fiirsato maamulka gobola Sh/hoose waxaad heleysaa waxyaabo aad la yaabeyso oo aad la fajacdo!!. Maamulka Shabeelaha Hoose waxaa la wareegay mooryaan, soo galooti reer Galgaduud ah oo maalin walbo midab cusub yeelanaayo,Shaley Hogaamiye kooxeed Indhacade ayaa dadka sh/hoose xoog ku haystay , Maanta dowladda Federalka ayay dareeskeeda ku labisteen, magacii dowladda ayaa dadka Shabeelaha hoose lagu dhibaateynayaa!!

Muxuu yahay ereyga FEDERAL ee maalin walbo idaacadaha iyo meel walbo ay ka sheegto dowladda somali?. Mooryaantii uu keenay hogaamiye kooxeedkii halaagsamay CAYDIID miyaa noqday dadka dowladda u matalaya gobolka Shabeelaha Hoose?Yaa ii sheegi karo hal tuulo oo ay Habargidir ka degan tahay gobolka Shabeelaha hoose? Maxay dowladda somalia dhibaatada ugu daawaneysaa dadka reer shabeelaha hoose ee dhibaatada joogtada ah ay ku haayaan mooryaantaan hororka ah ee reer Galgaduud?

Gudoomiyaha Aan Xilkiisa Dhammaaneyn waligeed (C/qaadir Siidii)
Gudoomiyaha aan xilkiisa dhamaanin ee C/qaadir Maxamed Nuur Siidii wuxuu qayb ka yahay dhibaatada shacabka haysato, wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa Mooryaanta Yuusuf Indhacade ee dareeska dowladda ku dhibaateyso dadkeena sida Liibaan Madaxey.

Odeyaasha dhaqanka ee Degmada Marka CABASHO ay u gudbiyeen Ra’iisul wasaare Saacid waxay keentay in C/qaadir Maxamed Nuur xilka laga xayuubiyo. Nasiib darrose waxaa arintaasi si dadban oo qarsoodi ah uga soo horjeestay madaxtooyada Somalia oo c/qaadir maxamed Nuur ku dhiiri geliyey inuu sii sheegto gudoomiyenimada Sh/hoose.

Yey kala tashataa dowladda Arimaha Gobolka Sh/hoose?
Madaxtooyada Somalia ma ahan in arimaha gobolka Shabeelaha hoose ay kala tashato Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad. Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in xil ka qaadista lagu sameeyey C/qaadir Maxamed Nuur ay ka soo horjeesteen Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad oo ay isku hayb yihiin Yuusuf Indhacadde. C/qaadir Maxamed Nuur waa wakiilka Yuusuf Indhacadde ee shabeelaha hoose, C/qaadir wuxuu wataa ciidankii Yuusuf Indhacadde sida mooryaanta maanta magaalada MARKA soo weerartay.

Maxaa Maamulka loo dhisay Sh/dhexe oo kale loogu dhisi waayey gobolka Sh/hoose?
Dowladda Somalia waxay maamul cusub u dhistay gobolka sh/dhexe, iyadoo aan ogsoonahay in gobolka shabeelaha hoose uu kaga horeeyay gobolka sh/dhexe ololaha Alshabaab looga xureeyey labada gobol. Maxaa sababay in dowladda Somalia Sh/dhexe maamul hagaagsan u magaabato isla markaasna gobolka shabeelaha hoose Mooryaantii Indhacadde lagu soo celiyo? Ma labada gobol ayaa kala fadli badan? Mise madaxda dowladda ayaa ka soo jeedo gobolka Sh/dhexe oo sidaas ayaa loo hagaajiyey?

Su’aalahaasi jawaabtooda waxaan u daynayaa akhristeyaasha maqaalkan:
Qalinkii:Sa’eed Sheikh

1 COMMENT

  1. War maaa can galaayo heee hadey Habargidir iyo hawiye dagin Sh/hoose iska saara. xayawaano ayaa tihiin ee taariikhda dib u fiiriya dowladii aadan cadde hal xildhibaan malaga soo dooranin gobolka sh/hoose aan ka ahayn Hawiye qaasatan Habargidir, Biyamaalkaa sheegeysiin intey joogeeen xiligaaas. Mida kale isaaq oo Hargeysa dago ayaaba la dhalateeneee goormee soo dagten sh/hoose. Uffff war xishooda nabad ayaa la idiin ogolyahay.

Comments are closed.