Dalka Siera-leone oo ciidamo nabad ilaalin u diri doona somaliya kol dhow

0
68

 

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepXukuumada Sierra Leone ayaa shaaca ka qaadday in ciidamo gaaraya 850 askari ay horraanta April u diri doonto dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Sierra Leone Ernest Koroma oo la hadlayay askarta Sierra Leone ay u direyso Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa u rajeeyay safar nabadoon.

Ernest Koroma ayaa u rajeeyay ciidanka in ay ku guuleystaan hadafkooda la xiriiira xoojinta nabadda iyo dimuquraadiyadda.

Ciidamada oo tabarbar ku qaatay magaalada Freetown ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacidda.

Daafeet.Com