Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee Gobalka Baay Xasan Maxamed Biikoole oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadii ciidanka Ethiopia ay isaga baxaan Gobalada Baay iyo Bakool ay ka marmaan.
Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo saraakiisha Ethiopia ay yeesheen kulan ballaaran hadii ciidanka Ethiopia ay isaga baxaana aysan dhibaato laheyn.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia kaliya aysan joogin balse ay joogaan ciidan ka socda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayna ku filan yihiin ammaanka Gobalada Bay iyo Bakool.
Qorshaha ciidanka Ethiopia ayuu sheegay in markii hore uu ahaa in goobaha ay ka qabsadaan ciidanka Shabaab ay ku wareejiyaan ciidanka AMISOM si halkaasi ay u nabadeeyaan.
Daafeet.Com