Afhayeenka Amisom Cali Adan Xamud oo sheegey in ciidamada ka socda seralione la geyn doono Magalada Kismaanyo

0
48

cali adanShir jaraaid oo uu maanta  qabtey Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo la xiriirta howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Cali Aadan Xumud afhayeenka Amisom ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in todobaadka soo socda ay ciidamo ka socda dalka Sera Leone gaarayana 850 kana mid noqon doona howlgalka Amisom ay soo gaari doonaan Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada ka imaanaya Sera Leone la geyn doono Magaalada Kismaayo, ayagoona ku biiri doona ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Amisom kuna sugan Magaaladaasi.

Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sidoo kale ka hadlay tababar u socda saraakiil iyo saraakiil ku xigeeno ka tirsan ciidamada dowlada, isagoona sheegay in bartamaha bisha soo socata loo soo gabagabeyn doono tababarkooda oo haatan uga socda deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com