Wafdi ka socda wasaarada Arimaha Gudaha oo maanta ku wajaha Magalada Marka

0
64

markaaXukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Marko u dirtay wafdiyo ka socda wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca si ay xal uga gaaraan khilaafyo dagaallo sababay oo dhawaanahan ka dhacayay degmadaas.

Wafdiyadan ayaa waxay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada magaalada ka jirta, kaddibna waxay u gudbi doonaan inay wadahadallo la yeeshaan labada dhianc ee ay dagaalladu u dhexeeyaan si ay isugu dayaan inay xal u helaan; iyadoo dagaalladii ka dhacay degmadaas ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka.

Dagaalladii ka dhacay degmada Marko waxaa arrin aad looga xumaado ku tilmaamay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wafdiyadan loo diray degmadaas ay xallin doonaan khilaafyada jira.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan ka dhacaya degmada Marka ayaa waxaa ey u dhexeeyaan maleeshiyo beeleedyo ku labisan dharka ciidanka dowlada iyo kooxo madani ah oo u dheshey deegaanka ayadoo ujeedada dagaalka ey salka ku heyso in maamulida deegaanka.

Daafeet.Com