Gudomiyaha Degmada Marka Axmed Macalin Cukaash oo sharci daro ku timaamey sida xilka looga qaadey

0
80

CukashGudoomiyahii Degmada Marka Axmed Macalin Cukaash oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Cukaash waxa uu sheegay in aysan jirin xil laga qaaday iyo sabab looga qaadi karo, waxaana uu xusay in wararka la xiriirka in isaga xilka laga qaaday uu ka maqlay suuqyada balse aysan jirin cid u sheegtay in xilka laga qaaday.

Gudoomiyahii Degmada Marka Axmed Macalin Cukaash ayaa sheegay in hadii xilka laga qaaday loo baahan yahay in loo soo maro wado sharci ah sidaasina xilka looga qaadi karo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cali Oday ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Gudoomiyaha Degmada Marka.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka cusub oo ey dowlada u magacawdey Magalada Marka ayaa ah mid u daneynaya mid ka mid ah labadii kooxood ee baryahan ku dagaalamayey Degmada Markasida ey sheegeen dad aan kala xirirney Degmada Marka.

Daafeet.Com