Madaxweynaha oo fariin u direy Ciidamda dowlada iyo Saraakiishooda

0
123

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Max’ud oo fariin u direy ciidamada dowlada isagoo sheegey in uu aad ugu xun yahay tacadiyada ciidamada ey u geystaan  shacabka, isagoona tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay wadaan baaritaan la xiriira tacadiyada la sheego in ay ku kacaan ciidamada dowlada baaritaanadaasina hadii ay cadaadaan kaliya aysan eeda yeelaneyn ciidamada balse ay qeyb ka noqonayaan saraakiisha madaxda u ah ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan howshooda ciqaab oo kaliya ku ekeyn balse ay ciidamada u sameyn doonaan dhaqan celin, isagoona xusay in ay qorsheynayaan tababaro loo sameeyo ciidamada kaasi oo lagu horumarinayo dhaqanka askarta iyo sidii ay u difaaci lahaayeen xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xassan Sheikh Max’ud ayaa ugu dambeyn sheegay in aan loo dul qaadan Karin tacadiyo lagula kaco ama lagu ciyaaro sharafta haweenka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharafta ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Daafeet.com