Shirkii lagu qabtay shalay wadanka ingiriiska gaar ahaan magaalada manchester waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyada DigilMirifle ee ku dhqan Dalka UK, kaasoo aad muhiim u ahaa.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin, Aqoonyahano, odoyaal dhaqameed, dhalinyaro, Haween iyo dhamaan qaybaha Bulshada ee Qoowmiyahada DigilMirifle.
Furitaanka shirka oolagu furey Aayado Qur’aan ah oo uu halkaas ka akhriyey Macalin Bashiir ayaa waxaa bilaabatey dhageeysiga Khudbadii halkas ay soo kala jeedinayeen madaxdii kala gadisaneed ee shirkaas lagu casuumey.
Duniya Aadan Teegowoo ahayd Xiriiriyaha Shirka ayaa Aayadihii Qur’aanka Kadib waxay Microphne-ka ku soo dhowaysay Axmed Cabdi Xamiid (Afgooye)oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada UK, Gudoomiye Axmed ayaa ugu horeyntiiba si wayn ugu mahadceliyey Jaaliyada manchester oo ah Jaaliyada shirka soo Qaban Qaabisey, isagoo ku amaanay Jaaliyada manchester iney tahay Jaaliyada Hogaanka u haysa dhamaan Jaaliyadaha ka dhisan dalka UK.
Ergooyinkii shirka lagu casuumey ineey ka hadlaan ayaa waxaa ka mid ahaa:-Axmadeey Sheikh Mukhtaar, Wasiirkii warfaafinta & Boostada ee Dowladii C/qaasim,Cali sheikh Cabdullahi (Cali Afgooye) wasiir kuxigeenkiii Shaqada & Shaqaalaha, Dowladii Farmaajo,Eng: Saalax Sheikh Osmaan oo ka mid ah Oqoonyahan wax ka soo diyaariyey dastuurka Federaalka ah ee hada jira isla markaana ka mid ah Guddi 7 Xubnood ka kooban oo ay Dowlada Soomaaliya u soo Magacoowdey Maamul Sameeysasha Gobolada Koonfur-galbeed Soomaaliya,C/risaaq Sheikh Muxyadiin oo ka mid ahaa Wasiiradii Dowladii Farmaajo, Eng: Yuusuf Muumin Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Jaaliyada UK,Sahra Max’ed Nuur (Sahra Carabey) oo ka mid ah Guddiga Manchrester,Cabdiladhiif Qaasim Abuukar oo ka socdey Jaaliyada Bolton,Max’ed Jeylani oo ka mid ah asagana siyaasiyiinta Digil & Mirifle, Maxamed Nuur Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga fulinta Jaaliyada Uk iyo Max’ed Cabdalla Awisa oo ka mid ah Salaadiinta Digil & Mirifle.
Shirka ayaa waxaa lagasoo saarey Bayaan halkaas Saxaafada loogu akhriyey, Bayaanka oo iskugu jirey Baaq Dowlada Federaalka ah loo direy iyo Digniin loo jeediyey Hogaamiyaal sida baaqa ku qorneyd Magacyadooda lagu tilmaamey ineey yihiin”Hogaamiyaal Burcad-dhuleed ah “Kukaaso loola jeedey kuwa ku Looltamaayo lahaanshaha Gobolada Jubbooyinkaee waayahaanba shirarka kale gedisan uga socdeymagaalada Kismaayo.
1- DOWLADA AYAA LOOGU BAAQEY INEY MAXKAMAD HORKEENTO ASKARTA CAADIYEYSTEY DHACA, DILKA, KUFSIGA, JIRDILKA HAWEENKA KU JIRA XERYAHA BARAKACIYAASHA MUQDISHO.
2- DOWLADU WAA INEY MAGDHOW, RAALI GAREEN KA BIXISAA XADGUDUBYADAASI LOO GEYSTO BARAKACIYAASHA, WAANA INEY ILAALISO XUQUUQUL INSAANKA.
3- DOWLADU WAA INEY KA HORTAGTAA KOOXAXA DHUL BOOBKA AH RABA DAD MASAAKIIN AH INEY DHULKOODA XOOG KU QAATAAN OO LOO SHARCIYEEYO, GOBOLKASTA WAXAA ISKA LEH DADKIISA OO XAQNA U LEH INUU MAAMUSHO.
4- DADKA BARAKACAYAASHA AH EE KU JIRA XERYAHA MUQDISHO WAA IN DIB LOOGU CELIYAA GURYAHOODA SI AY U TACBADAAN BEERAHOODA , DOWLADUNA WAA INEY DADKAA SI KU TAAGEERTAA DIB U CELINTOODA.
5- DOWLADA WAXAA LAGU AMAANEY QEYB KA SIINTA TV-GA QARANKA AFKA MAAY-GA LAAKIIN WAA INEY HOR MARISAA MA AHAN QAABKA UU HADA KU SOCDO QAAB AAD LOOGU QANACSAN YAHAY.
6- BURCAD DHIULEEDKA WARKOODU LA ISKUMA WAALIN WAXA ALA YIRI” SEDLANGKOO ING BOOROW IIMAANGKAA SUGHOY MIKIING SUURTAWAASOO IIMAANGKAA SUGHOY, KELIYA WAXAA LOO RAACIYEY CAGTII JOOGSAN WEYSA MARBEY CEEB LA KULANTAA.
7- GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA & GUDIGII MAAMUL USAMEYNTA 6-DA GOBOL WAXAA LA ISKU RAACEY INEY HOWSHA DA DEJIYAAN, OO MAAMULKII SAMEEYAAN, JAALIYADAHA BANANAKANA WAXAA LOOGU BAAQEY INEY TAAGEERTO SHIRKA BAYDHABO.
8- BAAQA JAALIYADAHA LOO JEEDIYEY AYAA WAXAA KU JIREY INEY TAAGEERAAN ISBITAALADA KOONFURTA SOOMAALIYA OO WAX LOO QABTO ISBITAALADA KU YAALO MAGAALOOYINKA, KISMAAYO, MARKO, BARAAWE, JILIB, SAAKOW, BAARDHEERE, LUUQ, DOOLOW, BAYDHABO, XUDUR, AFGOOYE, BUURHAKABA, DIINSOOR IYO GUUD AHAAN GOBOLADA ARLAADII.