Cabdi Faarax Shirdoon Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta tegey magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen madaxda maamulka gobolka, saraakiisha ugu sarreysa ciidamada iyo boqollaal dadweyne.
Raysul wasaaraha oo wafdigiisa ay qeyb ka yihiin wasiirro iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo galbiyey xarunta maamulka gobolka oo la filayo in uu wada-hadallo kula qaato mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada.
Wada-hadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha ammaanka, siyaasadda gobolka iyo qodobbo kale.
Ammaanka ayaa si weyn loo sugay, iyadoo ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya la dhigay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Daafeet.Com