Dhegayso..Khudbada Madaxweynaha uu ka jeediyay Shirka weynaha dib u habeynta Garsoorka dalka

0
104

madaxweynaha-baarlamanka-150x150Shirka weynaha dib u habeynta Garsoorka dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, wasiirro ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo ay horay u horay u iclaamiyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Madaxweynaha, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano, sharci yaqaano, aqoonyahano dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala yimid, Wasaaradda Cadaalada, Xubnaha baarlamaanka, Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Maxkamadda ciidamada qalabka Sida, Booliska Qaranka Soomaaliyeed, Hay,adda Nabad-sugidda, Ciidanka Usluubta ,Ururka qareenada, sharci yaqaanada, Jaamacadaha iyo goobaha cilmi baarista.

Halkan ka dhegay Khudbadii oo dhamaystiran

khudbada 1

khudbada 2

khudbada 3