Waxaa todobaadadii la soo dhaafay ka socdeen magaalooyin kala gedisan oo ku teedsan Koonfurta Soomaaliya qaybin dadka Shacabka ah loo qaybinaayo deeq Sokor iyo Bur u badan oo ay dowlada Turkiga ugu deeqday Shacabka Soomaaliya.
Degmada Buur-Hakaba oo ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa maalin nimadii shalay gaaray deeqdaas oo ay ku rarnayd 20 baabuur oo kuwa xamuulka ah kiibana qaada 500 oo loor baabuurtan ayaa waxay si toos ah uga soo gudbeen wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Buur-Hakaba.
Wariyeheena Cali Cabdulqaadir Cali ayaa ka waraystay deeqdan gudoomiyaha degmada Buur-Hakaba Cali cabdi Garuun
Halkan ka dhegayso waraysiga
WAR CALI MAYKAL MUCAAWINO BUUR oo ladeersiiyay deeq turkiga soo dhiibay (1)