Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu malintii shalay ahayd ku tageen isaga iyo Wafdi balaaran oo la socday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.
Ra’isul Wasaare Shirdoon ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Garbahaareey wuxuu kulamo kula qaatay masuuliyiinta gobolkaasi oo gebgebadii kulankana ay isla qaateen sidii loo xorayn lahaa deegaanada ka maqan gacanta dowladda ee wali ay ku harsanyihiin Kooxda Al-shabab sidoo kalena Ra’isulwasaare ayaa maamul KMG ah u magacaabay guddoomiyaha gobolka iyo kan dagmada waxa uuna guddoomiyaha gobolka u magacaabay guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Kaliil kadib markii uu la tashiyo la sameeyay Odayaasha iyo waxgaradka.
waxaana wali dhiman oo aan la magacaabin qaybaha kale ee maamulka gobolka Gedo waxaana lagu xaqiijiyey in dib laga soo dhamaystiri doono xubnaha ka dhiman maamulka cusub ee kumeelgaarka ah ee uu yeelanayo gobolka Gedo.
Halka heshiis ay kala saxiixdeen Dowlada iyo Ahlu-Sunada Koonfureed dhanka dowlada waxaa heshiiskaas u saxiixay wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo qayb ka ahaa waftiga Ra’isul wasaaraha halka Ahlu-Sunna ay u saxiixeen saraakiil uu ka mid ahaa afhayeenka Ahlu-Sunnada gobolada Koonfureed Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Ahlu-Sunna.
Saxiixa heshiiska kadib wafdiga ayaa waxay booqasho ku tageen furimaha duleedka Garbahaarey kaga sugan yihiin ciidamada qalabka sida.
Wasiirka difaaca dalka oo hadal u jeediyay ciidamada ayaa sheegay in si isku mid ah loo simayo xuquuqda ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ku sugan gobolka Gedo.