Ciidamo ka tirsan Amisom oo maanta gaarey Magalada Baydhaba

0
42

amisCiidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ayaa shalay gallinkii dambe illaa xalay gaarayay magaaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka waxayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Baydhabo.

Ciidamadan oo watay dabaabadaha dagaalka iyo gaadiidka gaashaaman ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxayna mareen dhulka, iyagoo ku biiray boqolaal ciidammo ah oo ka tirsan AMISOM oo horay ugu sugnaa degmadaas.

Maalmahan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socday in ciidamada Itoobiya ay ku wareejiyaan saldhigyadii ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin ciidamada ka socda AMISOM ee gaaray degmadaas, waxaase ciidamadan ay kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay qorsheynayaan inay isaga baxaan gobolka Bay.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay tagaan goobaha ay ciidamada Itoobiya banneeyeen si ay u sugaan ammaanka dadka deegaannadaas ku nool.

Daafeet.Com