Gudomiyaha Maxkamada Sare oo sheegey in loo bahan yahay in la sameeyo maxkamo u gaar ah Kooxaha Argagixisada

0
66

ilko xanafGuddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf ayaa sheegay in kooxaha lala xiriirinayo falalka argagixisada kiisaska dacwadoohooda ay wanaagsan tahay in loo sameeyo maxkamado gaar ah oo qaada kiisaskooda.

Wuxuu sheegay in goobaha loo sameynayo ee gaarka u ah kooxaha xiriirka la leh argagixisada ammaankeeda si wanaagsan loo adkeeyo,ciidamada Asluubta iyo Booliiskana la geeyo.

Isaga oo sii hadlaya Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf ayaa wuxuu sheegay in kiisaska burcad badeeda iyo argagixisada ay qaadaan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in hadii maamuladaasi ay qaadeen kiisaska argagixisada iyo Burcad badeeda Dowladda Soomaaliyana ay qaadi karto kiisaska caynkaasi ah.

Daafeet.Com