Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif.
Muddadii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen dib u eegis lagu sameynayo howgallada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo sida ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo wada-jira ay howlgallo uga fulin lahaayeen goobaha ay weli ku sugan tahay kooxda al-Shabaab.
Annadif oo bahda warbaahinta la hadlay wax yar kaddib markii uu dhammaaday kulanka, ayaa sheegay inay isku af-garteen in si deg-deg ah loo dhaqan-geliyo dhammaan arrimaha lagu heshiiyay muddadii uu kulanka socday.
Wakiilka ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalka Sierra Leone ay dhowaan imaan doonaan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidanka AMISOM.
Kulanka ayaa yimid iyadoo ciidanka dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay isu diyaarinayaan sidii ay dib ula wareegi lahaayeen magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool oo dhowaan ay qabsatay maleeshiyada al-Shabaab.
Daafeet.Com