Geerida Marxuumka Korneel Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud ayaa waxaa ka tacsiyeeynaya Madaxda Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada, Suldaanada, Malaaqyada, Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.
Qoraalka Tacsida Ah Ayaa Sidaan u Qoran:-
Suldaanada iyo Malaaqyada Koonfurta Soomaaliya
Dhamaan Suldaanada iyo Malaaqyada Koonfurta Soomalaiya waxay ka tacsiyeynayaan Geerida ku timid Allaha u naxariistee Halyeey Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud.
Odayaasha Dhaqanka Koonfurta Soomalaiya “INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, aad iyo aad waxaan uga naxnay geerida naxdinta leh ee ku timid Halgame Dr. Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud oo ka mid ahaa Muwaadiniinta u soo Halgamay Deegaanada Koonfurta Soomaaliya sidoo kalena ahaa Mujaahid aan marna la Halmaami Karin”
Odayaasha Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay Ehelada, Qaraabada iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Halyeey Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistiisa jano siiyo, sidoo kalena uu guud ahaanba umadda Koonfurta Soomaaliya Samir iyo Iimaan ka Siiyo.
Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Koonfurta Soomaaliya
Inaa-Li-Laahi Waa Inaa Ileyhi Raajucuun,
Madoobe Nuunow Maxamed, Maxamed Aadan Ibraahim Ferkeeti, Gen. Maxamed Sh. Xasan, Cabdullahi Shaleetay, Eng Saalax Sh. Cusmaan, Cabdi Aden Hoosow iyo Ibrahim Aden Mohamed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii, iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud.
“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeridu waa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryaynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Eeheladii Qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.”
Daafeet.Com