Ergada ka qeyb galeysa Shirka garsoorka oo loo qeybiyey 4 Gudi

0
38

dhib_uhabeynta_garsoorkaErgada ka qeyb-galeysa shir-weynaha dib u habaynta garsoorka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta loo qeybiyay afar guddi, iyadoo dhinaca kalena uu maanta shirka ka qeyb-galay afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari.

Ergada ayaa loo qeybiyay afar guddi, oo loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan qodobbo ay ka mid yihiin dhismaha hay’adaha caddaaladda, helitaanka caddaaaladda, iyo caqabadaha muwaaddinka Soomaaliyeed ka hor-taagan helitaanka caddaalad, doorka ciidanka booliska iyo asluubta kaga aaddan maxaabiista ku jira xabsiyada iyo xiriirka ay la leeyihiin muwaaddiniinta, jinsiyadda iyo nidaamka caddaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin naafada iyo carruurta.

Talo soo jeedinta guddiyadan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan maalin kaddib oo lagu ballansan yahay in si faahfaahsan looga doodo shirka.

Shirka oo galay maalintiisii labaad waxaa maanta goob-joog ahaa afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Caydiid Ilka-Xanaf iyo dhammaan ergada ka qeyb-galeysa shirka.

Guddoomiyaha maxkmadda sare ee dalka Caydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay kulanka ayaa xusay in garsooraha Soomaaliyeed uu u baahan yahay inuu helo amni iyo dhaqaale ku filan si uu caddaalad ugu sameeyo ummadda.

Wuxuu intaas ku daray in qaar ka mid ah xabsiyada ay ku jiraan dad xiran toddobaad, qaar xiran bilooyin iyo sanado, kuwaas oo aan weli la hor keenin maxkamad, loona baahan yahay in arrintaas wax laga qabto.

Daafeet.Com