Gudomiyaha Baarlamanka Maxamed Osman Jawari oo Tacsi u direy Eheladii iyo qarabadii uu ka Geeryoodey Marxuun Xasan Maxamed Nuur Sharti Gaduud

0
48

jawariGudoomiyaha Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Allaha u naxariistee Siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud) oo xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gelinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud) runtii waa geeri naxdin leh”

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxaana uu Alle uga baryey inuu janadii ka waraabiyo,ehellada iyo qaraabada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Daafeet.Com