Inaalilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun Halyeey Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud oo maanta ku geeryoodey Dalka Jarmalka

0
56

shati gadudMadaxweynihii hore ee Maamulka koofur galbeed Somaliya Halyeey Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud Shaati Gaduud ayaa maanta ku geeryoodey dalka germaney.

ALLAha u naxariiste Marxuum Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud Shaati Gaduud ayaa u geeriyooday Xanuun dhanka Keliyaha ah oo uu in mudo ah la Xanuunsanayay.

Marxuum Korneyl Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud ayaa waxa uu sidoo kale ahaa Gudoomiyihii Ururkii RRA.

Marxuumka ayaa waxaa uu ahaan jirey hoggaamiyihii ugu horeeyey ee RRA oo ka dagalaami jirtay gobollada Koonfur Galbeed Somaliya, isagoo kasoo ka mid noqday dowladihii kumeel gaar ahaa ee uu Dalka somaliya soo yeeshey.

Hadeynu nahay bahda Daafeet.com waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Halyeey Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud waxaanu leenahay ilaahey samir iyo iimaan ha naga wada siiyo eheladii iyo qarabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan alah ka siiyo Amii Amiin

Daafeet.Com