Madaxweynaha Dowlada federalka oo tacsi u direy Eheladii uu ka geeryoodey Marxuun Xasan Maxamed Nuur Shati Gaduud

0
186

xasanMadaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridii ku timid Xasan Maxamed Nuur “Shaati Gaduud” oo ku geeriyooday dalka Garmalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo wareysi siiyay warbahinta Muqdisho ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa qoyskii uu ka geeriyooday Shaati gaduud.

Prof Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiga Shaati Gaduud oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Jarmalka maantane uu u geeriyooday, waxa uuna intaasi raaciyay in meydka marxuumka la keeni doono magaalada Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Daafeet.Com