Maamulka Ahlusuna ee Gobolada dhexe iyo Dowlada oo kulankoodi bilowmi doona

0
121

ahlusunaMaamulka Ahlu Sunna wal-Jamaaca ee gobollada dhexe ayaa sheegay in la ey bilaabayaan wada-hadalladii u dhexeeyay iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan (Guureeye)ayaa sheegay in guddi labada dhinac ah oo min shan xubnood ah ay bilaabayaan wada-hadallada oo uu sheegay inay jiraan qodobbo laysku mari la’yahay.

Wuxuu sheegay inay guddiga labada dhinac ee wada-hadallada ay ku kulmi doonaan gobolka Galgaduud dhowaan.

Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo qodobbada ay isku fahmi la’yihiin dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com