Wasiirka Maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamuud Xasan Suleymaan oo shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddu ay sameysay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka iyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda dowladda.
Qorshaha cusub ee ay wasaaradda soo bandhigtay ayaa waxaa ku jira:
• In shacabka si cad loogu bandhigo nidaamka dhaqaalaha dalka ee afarta sano ee soo socota.
• In la xayiro ama la adkeeyo dhaqaalaha sida fudud dibadda iyo gudaha uga baxa dowladda
• In dhaqaallaha baxaya ay ka muuqato muhiimadda meelaha uu ku baxayo
Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in haddii qorshahan la hirgeliyo uu kordhi doono dhaqaalaha dalka, isla markaana la ogaan doono halka uu dhaqaalaha kasoo galay iyo meesha iyo uu ku baxay.
Daafeet.Com