Dowladda Britain ayaa uga digaysa dadka u safraya Soomaaliya inay ka digtoonaadaan weerarro argagixiso oo ay suuragal tahay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Warbixin kasoo baxdey Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka (FCO) ayaa lagu sheegay in argagixisada ay ku jirto wajigii ugu dambeeyay ee qorshaynta weerarro ka dhaca caasimadda Soomaaliya, waxayna warbixinta si gaar ah weerarrada ula xariirisay al-Shabaab iyo mucaarad kale oo la xusay inay dowladda ka hor jeedaan.
Ammaanka caasimadda Soomaaliya ayaa soo hagaagayay tan iyo markii maleeshiyada al-Shabaab laga saaray Muqdisho, in kastoo qaraxyo iyo weerarro bar-tilmaameedsi ah ay jireen.
Ma aha markii ugu horeysey ee ey digniin noocan oo kale diraan dowlada ingiriiska horraantii bishii January ayey eyey eheyd kolkii ey dirayeen digniin ka dhan ah Somaliland oo eyna sheegeyn in khatar ey ku jirto amaanka Somaliland Muwaadiyiinta ingiriiska uga dirgtey iney tagaan.
Daafeet.Com