Igad oo maanta yeelaneysa kulan looga hadlayo arimaha Somaliya

0
118

igadWasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta ku kulmaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo ka shiraya xaaladaha ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Addis Ababa u joogta shir madaxeedka ayaa sheegtay in wasiirrada IGAD ay isla gorfeyn doonaan go’aamo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xoojinta taageerada la siiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Fowsiya waxay sheegtay in qararka wasiirrada loo gudbin doono madaxda dalal ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo noociisa ah tan iyo markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horraantii bisha March khafiifay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo hal sano ah.

Daafeet.Com