Qaar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo qarax lagula beegsadey Suuqa Afgooye

0
53

qaraxCiidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qarax lagula eegtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose,xilli ay ku howlanaayeen qaadista canshuuro.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya lagula eegtay bartamaha suuqa Afgooye,halkaaasi oo dukaamo ku yaala maalin waliba ay ka qaadaan canshuuro.

Qaraxa halkaasi ka dhacay ayaan wax dhibaato ah eysan kasoo gaarin ciidankii lala beegtey, Balse waxaa ku dhaawacmey haweenay iyo laba caruur ah oo nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay ku sugnaa.

Qaraxa kadib sidii caadada aheyd ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano iyadoo ay gacanta kusoo dhigeen wiil dhalinyaro ah oo qaraxa ay la xiriirinayaan.

Daafeet.Com