Beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, iyo beelaha banaadirga ee dega gobolka shabeelaha hoose oo beeniyey dulmina ku tilmaamey warbixintii ay qoreen websiyedada qaarkood hadalkaasi oo ahaa warbixin dacayaad ah oo aan laga fiirsan, loona dhigey si laablakac ah oo uu maseyr xumo ku dheehan tahay..
Beelahan dhammaan wada dega gobolka shabeelaha hoose, oo walaalo ku ah lihina ku leh gobolkaas ayaa wax aad uga caroodey warbixinta cadiifada aheyd ee ay websidyada qaarkood ay ka qoreen Siyaasi ahna Madaxweynaha maamul goboleedka Udub Land iyo Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya gobolka kuwaasoo kala ah WFL iyo AYUUB iyo saraakiisha hay’adaba.
Qowmiyadahan ayaa waxa ay aad uga coroodeen wararka ku tirakuteenka ah ee si ba’an looga been abuurtey saraakiisha hay’adaha samafalka ee ka shaqeeynaya gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo 1992 iyo odeyaal dhaqameedyada degaanka ka soo jeeda..
Beelahan oo si wadajir ah kulamo kala duwan ku kala yeesheen caasimada Muqdishu, degmada Marka, iyo degamada Baydhaba ayaa cambaareeyey dadka ujeedada qaaska ah ka wata gobolka shabeelaha hoose ee ka soo duuley gobolada Dhexe.. Beelahan ayaa waxa si cad ah uga go’an iney u jihaadaan gobolkooda rasmiga ah ee Illaah ku maneystey dagaal taariikhi ahna ay la soo galeen dowladii talyaaniga ee gumeysiga wadanka ku soo galey.. waxa ay na ka siman yihiin iskuna wada raacsan yihiin Mabda’a guud ee la dagaalanka cadowga guud ee ka soo duuley Guri Ceel.
Waxa wax lala yaabo ah in hay’ado samafal oo si fiican gobolka looga yaqaan, lana wada ogsoon yahay waxa ay wadanka iyo gobolkaba ka qabteen tan 1990 ayaa cadiifad qabiil iyo dacaayad raqiis ah darteeda lacago loogu baxshey warbixino aan meelna ku saleysneyn. Hay’adaha WFL iyo AYUUB waxa ay badbaadiyeen oo ay gargaar ufidiyeen 4500 caruuru iyo hooyooyin aad u sabool ah oo ka kala yimid gobolada soomaliya, kuwaasi oo maanta noqdey iftiin baxaayo, soomaaliya iyo duunyaduba meel waliba laga ogsoon yahay.. Hay’adahaas wax shuqul iyo afaaro ah kuma laha la xiriirinta al shabaab iyo ladagaalanka beelaha ku dagaaltamaya Marka, waa hay’adad dhex dhexaad oo ay u simin tahay dhammaan soomaliweyn gaar ahaan beelaha ku nool gobolka shabeelaha hoose. balse waxa ay baaq u dirty nabadeynta iyo deganaanshaha gobolka iney tahay midda keliya ee guul lagu gaari karo.
Waxa la ogsoon yahay iney jiraan odeyaal qabqabliyaal dagaal iyo kuwa qabiil ahaan ku soo duuley isku baheystey oo shidaya dagaalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qabiilkii dhaca iyo boobka u geyysan jirey maatada gobolka 2000-2008.
Waxa ay marlabaad iyo mar seddexaadba u sheegayaan beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, Banaadiri in ay aad uga xun yihiin falalka xun xun ee ka baxsan bani’aadinimada ee ay qorayaan websiyada qaarkood, kuna cambeereynayaan cidda ka dambeysey, iaygoo og, xog ogaalna u ah shaqsiyaadka warbixinada qoraya, noocooda iyo sida ay kala yihiin.
Waxa kale oo ay marqaati kacayaan in hay’adaha samafalka ee WFL iyo AYUUB ay yihiin hay’ado u gargaaro agoonta gobolka shabeelaha hoose ee ay wax ku soo kordhiyaan gobolka, taasi lideeduna ay hay’adaha kale qaarkood ee gobolka jooga iney ka rartaan wax kasta ee samafal loogu soo tala galey ayna u gudbiyaan gobolada dhexe sida Guri Ceel Iwm, taasina loo haayo cadeemo cad cad.
Xarumaha kale ee Ayuub, Iimaan center waa goob lagu barbaariyo oo ay leeyihiin agoonta soomaaliyeed tan 1990, halkaasoo ay ka iflaxaadey dhallinyaro fara badan oo ay maanta kala jooga dunida dalcaladeeeda.
Waxa mucjiso ah in Marka ay degaan ahaan ku yihiin beelaha Soomaaliya ay ka kooban yahay oo idil, uguna fagfag iyo dhibaato badan beeshan soo duushey oo keliya iyadoo rabta iney sii wado gumaadkii iyo dhacii lagu yaqiin, laakiin taasi waxa ka soo horjeestey Dastuurka Soomaaliya maanta u qoran oo ah ama ku dhisan FEDERAL.
Sida Eebu noogu yiri, Xaqqu waa soo daahiraa, baadilkuna mugdi ayuu gelayaa, micnaha dadkii deegaanka ahaa wey isku xirteen weyna u wada dhan yihiin difaacooda xaqqa ah ee gobolkooda , ciddii dulmi iyo iska weyni ku soo duushana muruqooda ayey la tiigsan doonaan inshallaah.
Halka ka Akhriso been abuurka Habargidir