Allaha U Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Meydkiisa laga soo dajiyay Siyaasiga Xasan Max’ed Nuur Shaati Gaduud kaasi oo Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Masuuliyin kala duwan ayaa ka qayb Gashay Dukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumka kuwaas oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud oo Janaasada Kadib lahadlay warbaahinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan Marxuumka.
Markii Salaadda Janaasada Lagu tukaday Marxuum Shaati Guduud ayaa Meydkiisa waxaa Loo qaaday Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay halkaasi oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Marxuumka.
Aaska Siyaasiga Xasan Max’ed Nuur Shaati Guduud ayaa waxaa ka qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo isugu Jira Labada Gole ee dowladda iyadoo duugtiisa ka dib alla Loo weydiiyay Marxuumka Naxariistiisa Janno.
Halkan ka dhegayso