Dowlada oo ku timaantey wax kama jiraan hadalki kasoo yeerey Dalka Ingiriiska

0
57

ciil moogDowladda Soomaaliya oo ka jawaabaysay digniin ay dowladda Ingiriisku ku sheegtay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal argagaxiso ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan jirin hadda khatar muuqata oo ka jirta Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka dowladda aysan soo sheegin wax khatar ah oo kusoo wajahan Muqdisho ama ka jirta, isagoo xusay inay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan digniinta ay dowladda Britain soo saartay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu haatan si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore, ayna baaritaanno dheeraad ah ku sameyn doonaan khatarha laga digayo.

Warbixin ay soo saartay Britain Sabtidii shalay ayay ku sheegtay in laga yaabo in Al-shabaab iyo kooxo dowladda kasoo horjeeda ay weerarro argagaxiso ka fuliyaan Muqdisho, kuwaasoo ay sheegtay inay heer gabo-gabo ah marayaan.

Xukuumadda Britain ayaa bishii hore uga digtay muwaadiniinteeda inay ku tagaan safarro Somaliland, halkaasoo ay sheegtay inay ka jiraan khatarro dhinaca ammaanka ah, iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay jirin wax khatar ah oo ka jira Somaliland.

Daafeet.Com