Maydkii Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo toddobaadkii hore ku dhintay dalka Jamalka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasoo lagula tukanayo salaadda janaasada, kaddibna waxaa loo duulinayaa degmada Baydhabo ee gobolka Bay si halkaas loogu aaso.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha si ay maydka janaaso ugu tukadaan, lamana oga in madaxweynuhu uu maydka u raaci doono Baydhabo iyo in kale.
Shaati-guduud ayaa u geeriyooday xanuun muddo dheer hayay, waxaana xilliyadii ugu dambeeyay uu ku jiray isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.
Marxuumka ayaa ahaa Madaxweynaha maamulka goboleedka koonfur galbeed, balse wuxuu xilal wasiirro iyo xildhibaan kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.
Daafeet.Com