Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. (Waxaan Ka Nimi Ilaa xaggiisaana u Laabaneynaa). Waxaa ku geeriyooday Magaalada Boon, Jarmalka Talaado March 2, 2013, Xasan Maxamed Nuur, oo saaxiibadiis iyo dadkii la soo shaqeeyey aay si kalgacal xambaarsan ugu yaqaaneen Xasanoow Manuur.
Wuxuu Xarunta Peace Building Intiative/Peace & Development Research ka qaatay Abaalmarin Halyeeynimo (Hero Award) kulankoodii sannadlaha ee lagu qabtay London, UK February 4, 2012. Wuxuu ahaa hogaanka Ciidanka Wax-iska-caabinta Reewin (Reewin Resistance Army (RRA)) iyo sarkaal awood leh ee Nabadsugiddii Qaranka (NSS). Shaarguduud wxuu ku dhashay Baydhabo wuxuuna shahaado dhinaca milatariga ah oo uu ku takhasusay isgaarsiinta ka qaatay Akadeemiyadda Milatariga Modena ee Talyaaniga 1969. Wuxuu sidoo kale tababar dhinaca sirdoonka milatariga ku sameeyey Qaahira, Masar, Rooma, Talyaaniga, Barliin, Jarmalka Bari iyo Moosko, Midowga Soofiyeetiga 1980yadii. 1978 wuxuu ka qaatay shahaaddo sharciga ah Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Shaatiguduud wuxuu ka soo noqday taliye gobol ee NSS-ta Jubbada Hoose 1972-1975 iyo Waqooyi Galbeed, 1980-1982; muddadan, wuxuu sidoo kale ahaa madaxa Maxkamadda Badbaadada Hargeysa.
1977-1980, wuxuu ahaa qaadiga guddoominayey Maxkamadda Badbaadada Muqdishu. Shaarguduud wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo 1982-1984 ilaa aay ka dhacdo dowladdii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu soo qabtay dhowr jago oo kala duwan oo nabadsugidda ah, oo aay ku jirto kaaliya Madaxweynaha Barre.
Muddadii dagaalada sookeeye aay socdeen, Shaargaduud wuxuu si firfircoon ugu howlanaa dib-u-hishiisiinta. Shirkii Jabuuti ee Juun-July, 1991 ka dib, waxaa lagu daray Dowladdii ugu horeysay ee ku-meelgaarka ahayd Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaan. 1994, wuxuu noqday xubin ka tiran Golaha Sare ee Xukuumadda Digil-Mirifle (Digil-Mirifle Supreme Governing Council (DMSGC)) .
Shaarguduud waxay muhimaddiisa siyaasadeed soo baxday markii la sameeyey RRA 1995, taasoo aay wada aasaaseen Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan iyo koox madax ah. Jhaffey, oo ah galbeedka Baydhabo oo ah meesha lagu aasaasaay RRA 13ka Oktoobar, 1995, ayaa Shaarguduud loogu doortay guddoomiyaha iyo hogaamiyaha dhaqdhaqaaqan kacdoonka ah, oo ah dhaqdhaqaaq habeysan oo milatari kii ugu horeeyey taariikhda casriga ah ee dadka Digil-Mirifle.
Dhalashadii RRA waxaa keenay duulaankii maleeshiyadii Mohamed Farah Aydiid aay Baydhabo ku qaadeen 17 kii Sitembar, 1995, kaasoo afgambiyey dowladdii ugu horeysay ee Digil-Mirifle, Riverine State ee la sameeyey March 1995 taasoo ahayd Ismaamul Dowlad Goboleed oo Digil-Mirifle ah, oo leh laba aqal, Aqalka Wakiilada iyo Aqalka Odayaasha. Waxay ahayd Dowlad Ismaamul Goboleed tii ugu horeysay ee koofurta Soomaaliya laga sameeyo burburkii dowladdii Barre ka dib. Waxaa hoos imaanayey gobolada soo socda: Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Shabellada Hoose iyo Banaadir. Xasan Sheekh, oo loo yaqaano Dr. Xaseey ayaa ahaa Madaxweynaha dowladda.
Shaarguduud howshiisa ugu weyn waxay ahayd in uu soo ururiyo, tababaro, oo uu hubeeyo dhaliyaro rag iyo dumar leh oo Digil-Mirifle ah. Horaantii 1996, wuxuu weeraro lagu guuleystay ku qaaday meelaha muhiimka ah ee uu heystay Aydiid. Muddadii lagu jiray Shirkii Dib-u-hishiisiinta iyo Nabadda ee Sodere 1997, Shaatiguduud wuxuu ku adkeystay in RRA aaysan la gorgortami doonin kuwa qabsaday dhulka Digil-Mirifle, “Wixii xoog lagu qabsado xoog kaliya ayaa lagu soo ceshanayaa.” 1998 intuusan dhamaan, RRA waxay xoreysay Bakool, Bay, qeybo ka mid ah Gedo iyo Shabeelle.
Shirkii Dib-u-heshiisiinta Carta ee May-August, 2000 dartii, howlihii milatari ee RRA si ku meelgaar ah ayaa loo hakiyey iyadoo la rajeynayey TNG in aay keento nabad baahsan. Laakiin, markii TNG-dii Abdulqasim Salad aay fashilantay, RRA halkii ayeey ka sii waday dhaqdhaqaaqeeda Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud-na wuxuu sameeyey Dowlad la yiraahdo Koofur-Galbeed Soomaaliya 27ka Nufeembar, 2002, isagaana Madaxweyne ka noqday.
Xasanow Manuur “Shaarguduud” waxaan ahayn saaxiibo run ah in ka badan 40 sannadood. Sababo caafimaad dartood ayuu u imaan kari waayey shirka nabadda ee aan qabanqaabiyey ee lagu qabtay London sannadkii la soo dhaafay. Isagoo ku jira cisbitaalka ayaan la hadlay waqti dhow. Inteenii noloshooda uu saameynta ku yeeshay Xasanoow Manuur, aan xusuustiisa nooleyno, oo aan inta karaankeena ah u dabaaldegno noloshiisa; nolol wax qiimo leh lagu bixiyey ayeey ahayd. Halganka Waa-socdaa (Aluta Continua)
Mohamed Haji Mukhtar
Savannah State University
Savannah, Georgia, USA
Alaha u naxristo marxumka hadan soo kacy ane
Comments are closed.