Shirka oo qabsoomiddiisa ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadli lahaa xaaladda ugu dambeysay ee Soomaaliya gaar ahaan maamul u sameynta gobollada dalka.
Dowladda Kenya ayaa codsatay dib u dhigista kulanka iyadoo sheegtay inuusan dalka haatan lahayn wasiir arrimo dibadeed oo ka qeyb-gali kara kulanka.
Kenya ayaan haatan lahayn xukuumad shaqeysa, waxaana maalinta berri ah lagu wadaa in la dhaariyo madaxweynaha la doortay ee Uhuru Kenyatta.
Warar ayaa sheegaya in laga yaabo in kulanka loo wareejiyo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kaddib dhaarinta Uhuru Kenyatta.
Daafeet.Com