Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Gobalada dalka Soomaaliya ka hirgelinayso adeegyo caafimaad oo ay helaan dhamaan shacabka ku nool Gobalada dalka.
Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa sheegtay in hada qorshaha socda uu yahay sidii bulsho badan oo Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Wasiirka adeega Bulshada ayaa sheegtay in hada ay u direen qaar kamid ah Gobalada dalka wafdi ka socda Wasaarada adeega Bulshada oo kormeer kusoo sameynaya baahiyaha caafimaad ee ka jira Gobalada dalka Soomaaliya.
Wafdiga ka socda Wasaarada adeega Bulshada ayaa gaaray Gobalka Galgaduud halkaasi oo ay ka wadaan ukuurgalka dhanka caafimaadka iyo baahiyaha arimaha Bulshada hoos yimaada.
Daafeet.Com