Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in dowladiisa ay tababar siineyso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qalabkii ay ku howlgali lahaayeen.
Warkaan kasoo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Obama uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda in uu hirgaliyo qorsho lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Washinton ayaa sheegtay in u istaagtay sidii ay taageero buuxda ay usiin lahayd Soomaaliya waxaana warka uu intaasi ku darayaan in Mareykanka uu goaa’miyay dhaqaalihii ku bixi lahaa qorshahaani.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay nabadeynta Soomaaliya si buu yiri Soomaali ay mar kale cagaheeda isugu taagto.
Daafeet.Com.