Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, si ay uga qeyb-galaan munaasabad maanta lagu caleema-saarayo madaxweynaha la doortay ee Kenya, Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu safarkiisa qaadan doono hal maalin oo keliya.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa uu ku koban yahay keliya inuu ka qeyb galo xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee dalka kenya Uhuru Kenyatta kaasoo ey kasoo qeyb galayaan in ka badan 12 madaxweyne iyo 20 wakiilo ah .
Daafeet.Com