Xaflad ay kasoo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Hogaamiyayaasha kale ee kasoo qaybgalay caleema saarka ayaa waxaa kamid ah: Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha koonfurta Suudaan, Salva Kiir Miyaardeed, Madaxweynaha Gabon, Ali Bongo, Madaxweynaha Nigeria, Jonathan Goodluck, Madaxweynaha DRC- Congo, Joseph Kabila, Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn.
Madaxweynaha xilka ka dagay ee Mwai Kibaki ayaa si rasmi ah talada ugu wareejiyay Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii jamhuuriyada Kenya, isla markaana ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Kenya ay yeelato.
Kumanaan Kenyaan ah ayaa isugu tagay gagida Nyanyo ee ay ka socoto xaflada, iyadoo malaayiin kalana ay guryahooda ku daawanayaan sida ay u socoto xaflada xil wareejinta.
Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Kenyaanka inay midoobaan oo ay ka gudbaan kala qaybsanaantii ay ay keentay doorashada.
Waxaana uu ballan qaaday inuu si isku mid ah ugu adeegi doono shacabka dalkiisa, kuwii doortay iyo kuwii aan dooranba.
Daafeet.Com