Alshabab oo hanjabaad u dirtey Odayaal degnaa Gobolka Bay iyo Bakool oo ka mid ahaa Ergadii ansixiyey Dastuurka

0
89

shabaabWakiilka Al-Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Mahad C/kariin oo la hadlayay Odayaal iyo waxgarad ayaa sheegay in Ergadii Baay iyo Bakool uga qeyb gashay ansixinta dastuurka ay ula mid yihiin Mahiga.

Mahad waxa uu sheegay inaysan Ergadaasi aysan ku soo laaban karin Gobolka balse ay u roon tahay inay raadsadaan meel ka roon Baay iyo Bakool oo ay naftooda ku badbaadiyaan.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in Oday waliba oo ka qeyb qaatay Dastuurka dalka kana soo jeeda Gobalada Bay iyo Bakool uu yahay mid aan imaan Karin deeganada Shabaab ay joogaan.

Si kastaba arintu ha ahaateen arinta ma aha markii ugu horeysey oo ay Alshabab u hanjabaan dadka ansaxiyey dastuurka dowlada dad badan ey horey u dileen qaar kalana ey ku raad joogaan.

 

Daafeet.Com