Kufsiga ka dhaca xerooyin qaxootiga ee magalada Muqdisho oo sii kordhaya

0
67

zainaKufsiga lagula kaco haweenka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ku yaalla Muqdisho ayaa soo kordhaya, iyadoo la sheego in kufsigaas ay intiisa badan geystaan dad xiran direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ergayga gaar ah ee Qaramad Midoobay u qaabilsan xadgudubyada uuka mid yahay kufsiga, Zaynab Hawa Bangura ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen in 1700 oo kufsi ah uu ka dhacay sannadkii hore gudaha Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ay geysteen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Gabar la kufsaday lix bilood ka hor ayaa u sheegtay wariye ka tirsan BBC-da in rag hubeysan ay u soo jeexeeneen teendho ay ku noolayd, kaddibna ay kala baxeen halkaas oo ay si xun u kufsadeen.

Xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho oo lagu qiyaasay 512 xero ayaa waxaa ku jira dad kasoo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen kaddib markii ay abaaro ka laayeen xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaasoo u yimid halkan inay nolol ka helaan, balse waxay kala kulmeen dhibaatooyin ka badan kuwii ay kasoo carareen.

Ciidamaa dowladda Soomaaliya waxay ka kooban yihiin maleeshiyooyin iyo kooxo aan tababarnayn, kuwaasoo dhallinyaro u bartay awoodda ay ka helayaan qoriga, shaki ayaana ku jira asluubtooda iyo cidda ay daacadda u yihiin.

Daafeet.Com