Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey Madaxweynaha Dalka Kenya

0
50

Kulanka-Uhuru-iyo-XasanIVMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka madaxtooyada Kenya kula kulmay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa cusub William Ruto.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo adkeynta nabadda iyo ammaanka.

Muddadii uu socday kulanka, madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa u xaqiijiyay madaxweynaha Soomaaliya in Kenya ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda iyo ammaanka.

Uhuru Kenyatta waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo dhinaca kale sheegay inay iska kaashan doonaan danaha khuseeya labada dal iyo tan gobolka guud ahaan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa intaas ku daray in dhowaan si deg-deg ah loo howlgelin doono Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) oo qeyb ka ahaa heshiis horey u dhex maray labada dal, isagoo sheegay in hirgelintiisu ay dan ugu jirto labada dal.

Isagoo ka hadlayay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, Uhuru wuxuu sheegay in doorka keliya ee ciidanka Kenya uu yahay sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo ammmaanka gobollada ay ka joogaan Soomaaliya.

Daafeet.Com