Taliska ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hadlay sida uu yahay ammaanka Magaalada Kismaayo oo maalmahan dambe amnidaro aan sidaas u badneyn laga soo sheegaye.
Maxamuud Qaalib taliyaha ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose ayaa sheegay in ammaanka Magalaada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin.
Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayuu sheegay in tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen Kismaayo ammaanka Magaalada ay ka dhigeen mid wanaagsan oo dhibaato aan ka imaanin.
Si kastaba arintu ha ahaatee dhacdooyinka ka dhaca magaalada kismaanyo ayaa ah kuwo ay sameeyeyaan ururkii alshabab ee laga saarey magaalada.
Daafeet.Com