Reysulwasaare Saacid oo la kulmey madaxweynaha dalka Ugandha

0
56

Shirdoon-iyo-MuseveniIIRaysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kula kulmay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni xarunta madaxtooyada Entebbe, iyagoo ka wada hadlay sugidda ammaanka iyo xasilinta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Shirdoon uu uga warramay madaxweyne Museveni arrimo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka, xasilinta dalka iyo dowlad wanaagga.

Shirdoon wuxuu sheegay inay weli jiraan dad ku hoos nool gacanta kooxaha nabad-diidka ah ee al-Shabaab, ayna muhiimadda koowaad siinayaan sidii kooxaha argagaxisada ah looga xorreyn lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin dalka.

Wuxuu xusay in kooxaha argagaxisadu aaney caqabad ku aheyn oo keliya ammaanka dalka Soomaaliya balse ay khatar ku yihiin ammaanka Geeska Afrika iyo midka caalamkaba, sidaasi darteedna loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ay yeeshaan dalalka Afrika.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay booqashada raysul wasaraha iyo wafdigiisa, isagoo carabbka ku adkeeyay in dowladdiisu ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com