Dowladda Burundi ayaa sheegay inay xoojinayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayna sii joogayaan inta Soomaaliya oo dhan laga nabadeynayo, kaddib kulan xarunta dalkaas ee Bujumbura ku dhexmaray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Burundi, Terence Sinunguruza ayaa u sheegay warfidiyeenka in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay aad u og yihiin xanuunka ay leeyihiin dagaallada sokeeye.
Dalka Burundi ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumammaan askari oo ka kala howgala Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, waxaana ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee yimaada Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay uga mahadceliyaan dowladda Burundi taageerada ciidan ee ay siiyeen Soomaaliya, isagoo sheegay in dal walba oo Soomaaliya caawiyay ay baal-dahab ah ku qori doonaan.
Daafeet.Com