Ergo ka socota Urur Galbeedka Igad oo maanta gaarey Magalada Kismaanyo

0
35

igadErgo ka socota urur-goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay kulan kula qaadan doonaan maamulka KMG ah ee magaalada.

Saraakiil ka tirsan maamulka ayaa sheegay in wafdigu uu saacadaha soo socda la kulmidoono madaxda maamulka KMG, iyadoo labada dhinaca ay ka wadda hadli doonaan hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo khilaafka ka jira maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda federaalka iyo maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa ku kala aragti duwan hannaanka uu u socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo taasoo dhalisay in uu khilaaf soo kala dhex galo labada dhinac.

Daafeet.Com