KU muslimiinta somaaliyeed, iyo kuwa caalimka.
Ujeeddo: Codsi Kaalmo caafimaad .will u baahan daaweyn dibaddeed.
Anigoo ah Hooyo Ifraax Cabdiraxmaan waxaan si sharaf iyo qadarin leh idinkaga codsanayaa Mudanniyaal iyo marwooyin, in aad iga caawiso dhibanaha magaciisa la yiraahdo Zekeriye Yacquub Cabdi Isaaq oo da’diisu tahay 3 sano jir Wiilkaas oo wadanka wax looga qabanwaayey xanuunsanayana mudo 3sano oo la yiri ha loo qaado daaweyn dibedeed.
Marka mudanniyaal waxa aan kaa codsanayaa ama idinka codsanayaa in aad iga caawiso arintaas wiilkan xanuusan anigana aanan awoodin in aan dibeda u qaado dhaqaalaha oo aan awoodin Sidaa darteed waxaan mar kale codsanaynaa in wiilkaasi kor ku xusan aad
caafimaadkiisa wax nagala qabato shagsi ahaan taada maamuul oo naglashageysid oo nago xiro dadka daneya arimaha bena’aadinimada.
Haddaba waxaan rajaynaynaa inaad codsigeenna aqbali doontid insha Allah.
Mahadsanid.
Ifraax Cabdiraxmaan Nuur
Luuq ganaane ee gobolka gedo
00252615015992
Hooyo Ifraax waa Hooyo Soomaaliyeed oo u baahan in laga Caawiyo Wiil ay Dhashey oo u baahan Caafimaad Dibadda ah
Hooyo Ifraax Cabdiraxmaan Nuur waa Hooyo Soomaaliyeed oo Mudo Sadex Sano ah la Daala dhacayey Wiil Yar oo ka Xanuunsan oo lagu Magacaabo Zakeriye Yacquub Cabdi oo da’addiisa ay tahay Saddex Sanno jir , ayaga oo kala Quustey waaaladiina dhaley cunagan Dhaqaatiirta ku sugana Gudaha Soomaaliyaa, Kuwaas oo markii Dambe kula Taliyey in uu u baahan yahay Caafimaad Dibadeed,iyadoo aad halkaan ka heleysid Waraaqihii caddeynta ee ay qoreen Isbitaal Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka
Waalidiinta dhaley wiilkan la ildaran cudurka Neerfaha waa Shaqsiyaal aan maanta aan Awoodin in ay Wiilkiisa Zakeriye ay u qaadaan Caafimaaad Dibada ah , wuxuuna ay ka dhashey n Qoys Sabool ah oo Degen Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Luuq ,hase yeeshee Aabbaha wiilka wuxuu warqadihii ay qoreyn dhakhaatiira kula wareegooyaa Magaalada muqdisho asiga oo kacodsanaaya codkasta in lagagacan siiyo qaadista wiilkaan baralaska ah,halka Hooya wiilka haysana ay kusugantahay Gedo waxaana uu Dhoowr jeer ay wiilka keeneyn Magaalada Muqdisho Balse waxaa ay ka waayeyn la tacaalidii uu u baahnaa Wiilkooda , waxayna Dhaqaatiirta ay Cadeeyeen in Hadii Wiilka uu helo Caafimaad Dibadeed uu Bogsan karo.
Waalidiinta waxaa ay usoo jeedinayaan Hayadaha Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed , Jaaliyadaha Dibada iyo Dowlada Federaalka in ay ku gacansiiyaan sidii Zakeriye uu u heli lahaa Daaweyn Dibadda ah.Hadaba ciddii dooneysa in ay Caawinto mid dhagaale misa qaadis dibadeed Wiilkaas yar waxay kala soo xiriiri karaan Cinwaanada Hoos ku Qoran .
Hooyo Ifraax Cabdiraxmaan Nuur Qajaaja
TEL 00252615015992
00252699737741
Dafeet.Com