Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Ufuroow ee Gobalka Baay halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jiro.
Aadan Cabdi Qooqane oo ah Guddoomiyaha Degmada Qansax dheere ayaa sheegay in Shabaab ay ka saareen Magaalada ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iminka ku sugan yihiin gudaha Magaalada.
Wuxuu sheegay inay dileen rag ka tirsan Shabaab sidoo kalena ay qabsadeen gaari uu magaciisa ku sheegay One keesad ah oo ay Shabaab lahaayeen.
Gacan ku haynta Magaalada ayaa wuxuu sheegay inay iminka maamulayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya Shabaabna aysanba ku sugneyn guud ahaan Degmada Ufuroow ee Gobalka Baay.
Daafeet.Com